Sheeko gaaban: roobkii xooga ahaa iyo qoyskii danyarada ahaa.

 


Sheeko gaaban: roobkii xooga ahaa iyo qoyskii danyarada ahaa.


Sheekadeena maantay waxey ku saabsantahay qoys beeraley ah oo ka koobnaayeen hooyo, aabe  iyo labo gabdhood yaryar ah. Waxey ahaayeen dad danyar ah  oo geedaha jarjara kadibna u iib geeya magaalada,

 

hadaba maalin maalmaha kamid ah waxey aadeen tuulada si ay geedo u soo jarjaraan,  waxaana  jirtay dabeyl aad u xoogbadan, markaasey islaantii waxey odeygeeda ku tiri,  dabeyl xoog leh ayaa jirtee inaga kaxeey aan isaga tagnee bari ayaan u soo laabaneynaayee, odaygii  ayaa waxa u uku yiri islaantiisi  howsho waa ay nagu badantahayee aanu jar jarno  manta bari ayaana dhameystiri doonaa inta dhiman. Islaantii  waayahay ayeey ku tiri odaygii.

 

maalintaas  dabeysha waxaa sii dheereed roob aad u xoogbadan oo duufaano lasocoto, islaantii ayaa odaygii ku tiri roobku wuu sii adkaanayaa dhinaceena guriga aayuu usoo socdaa xaafaduna waa ay inaga dheertahay ee aynu aadno caruurtii.

odeygii inta uusan jawaabin ayaa geedkii uu jarayay dabeyl soo riday kadibna geedkii ayaa odeyga ku fadhiistay, intaas kadib islaantii waa ay qeylisay oo waxay ku hadaaqaysay kaalaya I caawiya,  cid u imaatay ma aysan jirin,  cabaar kadib ayeey kaligeed ka soo saartay ninkeeda oo meyd ah.

markaas kadib ayaa dadkii tuulada joogay u yimaadeen, oo waxey ku yiraahdeen waad u jeedaa ninkaadu waa meyd waa uuna dhintayee orod caruurta u tag si aad ugu yaraan caruurtaada u badbaadsato. islaantii waa ay ka dhago adeegtay oo waxey ku tiri,  ninkeyga halkaan ugama tagi karo oo waxaa cunaya xeywaanada,  intii ay  hadalada isdhaafsanayeen ayaa islaantii ayadana geed ku soo dhacay,  kadib dadkii agjoogay ayaa geedkii kasoo hoos saareen waxa ayna u kaxeeyeen dhanka gurigeeda,  islaantiina halkaas ayeey naafo ku noqotay.

Roobabka iyo dabeyshuna waa ay kasii darayeen marba marka ka danbeyso, kadib islaantii ayaa u timid labadeedii gabdhood ee yaraay oo aysan ladhalan wax wiil ah, aabihii ee nolasha ka eegan jireena uu dhintay asagoo la rafanayo si uu u xakameeyo masaariftooda iyo noloshooda aasaasiga ah, maadaama ay yihiin dad sabool ah.

hadaba hooyadii oo naafa ah oo kursiga dadka naafada ah ku fadhiso, ayaa u yeertay gabadhii xoogaha weyneyd oo waxey ku tiri Meesha ka wad cunugta yar roobka daadadkiiisa ayaa nagu soo socdaan ee dusha sare taga adiga iyo inanta yar.

gabadhii waa ay diiday oo waxey ku tiri hooyo halkaan kagama tageyno waan iswada raacaynaa ama waynu isla joogaynaa oo anaga dhan daadku ha inawada qaado.

hooyadii ayaa aqbashay in ay is wada raacaan oo dusha sare wada aadan, ayagoo dusha sare joogaan ayaa hadane biyihii ugu soo galeen, lakiin waa uu dhaamay sidii hore.

hooyadii ayaa gabdhiidi markale waxa ay ku tiri orod inanta yar Meesha ka saar biyuhu waa uu soo badanayaahee,  gabadhii ayaa hadane hooyadeed ku tiri hooyo kaama tagayno ama waan isla dhimanaynaa ama waan isla badbaadeynaa.

hooyadii ayaa ku tiri hadaadan warkeyga maqlin biyaha ayaan isku tuurayaa,  markaaseey gabdhii ku tiri hooyo biyaha ha isku tuurin wax kasto aad rabto waan sameynayaa.  hooyadii ayaa ku tiri gabadheeda hadaba inanta yar ka kaxeey mesha adegaana kugu ogahay inanta yar,  hadii aan dhintana booska hooyanimo adaa u galaya.

gabadhii oo naxsan kuna qasban amarka hooyadeed ayaa inantii yareyd soo xambaartay, inantii yaredy ayaa oohin bilaawday ayadoo dhaheysa hooyo kama tagayo, inantii weyneyd ayaa ku tiri anigaba ma doonayn in aan hooyo ka tago ee qasab bay nagu tahayee ina keen.

hooyadii ayaa oohintii inanteedii yareyd u adkeysan weyday, waxeyna ku tiri waan idin raacayaa ee ii keena wax aad I saartaan,  gabadhii ayaa u keentay baaskiil oo lahaan jiray aabaheed hooyadiina iyo caruurtiiina waa ay iswadaraaceen dhamaantooda  halkaas ayeey ku wada badbaadeen.

 

Akhristayaal sheekadaan side u aragtaan fadlan waad nala wadaagi kartaa hadii aad hayso qormo xiiso leh mahadsanid.


Post a Comment

Previous Post Next Post