5 calaamadood aad ku ogaan karto in uu vitamin D ku yaryahay jirkaaga

 

5 calaamadood aad ku  ogaan karto in uu vitamin d ku yaryahay jirkaaga

 

Hadii aad ku nooshahay wadamada cimiladooda qabowga ah oo cadceed aanan laheyn ama aadan u soo bixin banaanka ugu yaraan 15 daqiiqo maalintii, sidaas darteed waxaa ku gu yar vitamin d, sababtoo ah waxaa laga helaa cadceeda, waxaana loo yaqaanaa vitaminka cadceeda. Vitamin d faaidooyin badan ayuu leeyahay dhanka jirka ah, lakiin way adagtahay inaad kahesho cunada in ku gu filan.

 

 

Waa maxay sababta aan u gu baahanahay vitamin d?

Vitamin d faaidooyin badan ayuu leeyahay dhanka jirka, waxuuna ka caawiyaa:

 

§  Wuxuu siyaadiyaa caafimaadka lafaha. Lafaha oo adkaadaa waxey ka hortagtaa xanuunada qaar ee ku dhaca  wadnaha, sambabada iyo murqaha, hadii aad hada kahor isku aragtay cilad jabniin ama tirir ah dhanka lafaha, taasi waxey muujinaysaa in uu kugu yaryahay vitamin d, qaasatan hadaad  tahay qof ciyaartooy ah aad bay kuu saameynaysaa.

 

§  Waxa uu kobciyaa/weyneeyaa murqaha. Daraasaad lasameeyay ayaa lagu ogaaday in vatmin d-gu in si toos ah ugu shaqeeyo murqaha, si uu u kordhiyo isku dhaafka borotiinka taasi oo markaas kadib sababeysa in uu murqaha uu weynaado , hadii aad tahay qof birta qaado ama jecel in uu murqaha u weynaado vitamin d waa ku muhiim.

 

§  Hagaajinta xoogga hoose ee jirka. Qaadashada vitamin d waxey kaa caawin kartaa in aad ku dhisto xooga lugahaaga, hagaajinta waxqabdkaaga guud ee jirka, kana hortago dhicis.

 

§  Nidaamiyaha difaaca jirka kana ilaaliya cudurada qaarkood. Cilmi baaristu waxey soo jeedinaysaa in vitamin d uu door weyn ka ciyaari karo joojinta fayraska, hadii vitamin d-gaagu yaryahay, habka difaaca jirkaagu wuxuu noqon karaa mid waxtar yar.                                                      

 

 

Maxaa dhacaya hadii vitamin d-gaagu uu hooseeyo.

Kadib markii la sameeyay daraasaad waxaa la ogaaday in dadka madowga ah ay ku yartahay vitamin d, baaritaanada waxaa lagu ogaaday in dadka waaweyni ay leeyihiin heerarka dhiiga ee vitamin d-ga inta u dhaxeysa 30-74 ng/ml. qaadashada maalinlaha lagu taliyay waa 600 iu , lakiin hadii heerarka vitamin d-gaagu yaryahay waxaad u baahan kartaa in aad waxbadan qaadato.

 

Sida kaliya ee lagu ogaan karo vitamin d in uu kugu yaryahay waa in la baaro heerka dhiigaagga. Markaas kadib hadii uu jirkaagu ku yaraado waxaa dhacaya in aad lafa xanuun aad dareento, iyo murqa xanuun, difaaca jirkaaguna uu yaraado. Waxaa kaloo jira dad badan aanan dareemin calaamadahaas oo hadana ku yaryahay vitamin d-gu sidaas darteed waxaa lagama maarmaan ah in aad baaritaaan dhanka dhiiga aad sameyso.

 

Heerarka hoose vitaminada ayaa lala xiriiriyay xaaladaha soo socda.

  -Khatarta cudurada ku dhaca wadnaha.

  - waxyeelada hilmaanshaha dadka waaweyn.

  - cudurada kansarka.

  - neef ku dhacda caruurta.

   - jabniin dhanka lafaha.

    - awooda murqaha oo yaraada.

 

Maxey yihiin sababaha keena vitamin d yarida?

Waxaa sababa siyaabooyin farabadan oo aad u yeelan karto heerar hoose oo vitamin d ah. Waxyaabaha sababa qaar ka mid ah waa kuwo lala tacaali karo ama la xakameyn karo, qaarkamid ah waa kuwo la xariira dhanka midabka maqaarka, sikastaba ay ahaataba waxaa jira sababo kale ee yaraanshaha ama hoos udhaca vitamin d-gaaga. Sababahaas waxaa kamid ah:

 

§  Dhanka cunada oo aadan ka helin vitamin d ku filan jirkaaga. Hadii aad tahay qof cuna badanaa qudaarta oo kaliya waa sababta keenta in uu vitaminkaas jirkaaga ku yaraado, si aad uga badbaado waxaa kula gudboon in aad isticmaasho kaluunka nuucyadiisa kala duwan sida salmonka , waxaa kaloo lagaa rabaa in aad isticmaasho saliida kaluunka ee loo yaqaano omega3, waxaa kaloo haboon in aad isticmaasho ukuknta , caanaha , farmaajada , caanaha fadhiya iyo casiirka liimaha dhamaantood waxey sara u qaadaan vitamin d-ga jirkaaga.

 

§  Jirkaagu ma helo cadceed ku filan. Jirkaagu waxa uu si dabiici ah u sameeyaa vitamin d asagoo ka helaayo dhanka cadceeda, hadii aad ku nooshahay wadamada cadceeda ku yartahay ama aad isticmaasho muraayadaha lagaga hortago cadceeda waxaad xanibaysaa shucaaca cadceeda ee loo yaqaano UV ee aad u baahantahay si aad u abuurto vitamin d, ama mararka qaar waxaa dhacda in aad xidhato dhar adag ee daboolaya maqaarka jirkaaga, waxaad halis ugu jirtaa in uu vitamin d jirkaagu ku yaraado.

 

§  Maqaarka jirkaagu waa mid madow ah. Melanin waa maado dadka madow maqaarkooda ay ku badantahay, waxey yareysaa awood ay jirkaagu ku qaadan lahaa vitamin d-ga si uu jirkaga u soo gaarsiiyo iftiinka qoraxda.

 

§  Waxaad tahay qof da’diisu weyntahay. Markastoo da’daadu sii weynaato waxaa yaraanaysa in kilyahaadu u badalo vitamin d si firfircoon sidaas darteed dadka da’dooda weyntahay waxaa ku dhaca cudurada qaar sida cudurada baruurta.

 

 

Side u kordhin kartaa vitamin d-gaaga?

Sadex qaabood ayaad u kordhin kartaa vitamin d-gaaga, iyada oo loo marayo cunto cadceed iyo dawo(supplements). Hadii heerka vitamin d jirkaagu aad ugu yaryahay way adagtahay in aad ku xaliso cunada oo kaleya, sidaas darteed waxaad u baahantahay in aad tagto xaruumaha  caafimaadka si baaritaan buuxdo aad u hesho, kadibna aad u hesho dawada kugu haboon si loo kordhiyo.

 

Hadii vitamin d jirkaagu ku bato maxaa dhacaya.

Waxaa lagula talinayaa inta aadan qaadan dawoooyinka lagu kordhiyo, waa inaad marka hore isa soo baarto sida aan horay kugu sheegay, baaritaan dhanka dhiiga ah kadib dhaqtarkaaga ayaa kuu sheegayo inaad u baahantahay iyo inkale ama xadida aad qaadaneyso. Hadii jirkaagu uu ku bato dhibaatooyin farabadan ayaad kala kulmaysaa, sida tabardari, labolabo, cunto xumi, iyo kaadi farabadan.

 

Waxaan rabaa in aan hlakaan idinku gu soo gubiyo 5 calaamadood uu jirkeyna inoo sheegayo in uu jirkeyna ku yaryahay vitamin d.

Fadlan hadada isku aragto calaamadahaaan soo socdo dhaqtar u tag si laguu baaro, badanaa dadka madowga ah waa ku yaryahay vitamin d

Sababtoo ah jirkooda ayaa ku badan maado la yiraahdo melanin. Hadaba vitamin d waxa uu adkeeyaa lafaha , waxa uu ka qeyb qaataa caafimadka maskaxda, waxa uu kaa caawinayaa inaad hesho hurdo aad u macaan.

hadaba calamadaha lagu karto waxaa ka mid ah,

 

1-daal farabadan

2-hurdo la'aan

3-lafo xanuun

4-walwal/walaac

5-timaha ku daataan

6-murqo xanuun

 

Cunooyinka aad kaheli karto vitamin d

1.     Kaluunnka sida salmon iyo tunada

2.     Ukunt qeybta jaalaha

3.     Beerka lo'da

4.     Beerka kaluunka

5.     caanaha

 

 Vitamin d cadceeda/qoraxda

halka ugu muhimsan ee vitamin d laga helaa waa cadceeda/qoraxda, si aad u hesho vitamin d ku gu filan subaxii hore cadceeda isku dhig mudo 30 daqiiqo ah, badanaa cunooyinka lagama helo in ku gu filan .

hadii aad dareeento calaamadaha aan kor ku soo xusnay fadlan tag goobaha caafimadka oo iska baar vitamin d kadib daawada ku gu haboon dhakhtarka ayaa kuu sheegi doona.


1 Comments

Previous Post Next Post